Skip to content
PodSubs
ShowsPeopleGuestsJobsNewsEvents
More
BlogPodCred
Menu
ShowsPeopleGuestsJobsNewsEventsBlogPodCredNetworksSign in
Join nowSign in
  • Shows
  • People
  • Jobs
  • News
  • More
    • Guests
    • Events
    • Blog
    • PodCred
    • Networks
    Join nowSign in

Maamul Wanaag

Maamul Wanaag artwork

Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka: Maxaa Ka Soo Bixi Kara?

Jun 18, 202650 minAudio
ShareXLinkedInFacebookWhatsAppEmail

Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo adag. Muddadii afarta sano ahayd ee dowladda federaalka waxa ay ku ekayd 15-kii May 2026, balse ka hor inta aanu waqtigu dhammaan ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka. Dastuurka cusub waxa uu muddo-xileedka hoggaanka dowladda ka dhigay 5 sano, waxa ayna madaxda dowladdu sheegeen in uu u harsan yahay hal sano. Mucaaradka waxa ay kasoo horjeedaan wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo muddo-xileedka la beddelay. Dibadbaxyo ay mucaaradku qorsheeyeen iyo dowladda oo is-hortaagtay ayaa cakiray xaaladda Muqdisho. 3-dii ilaa 4-tii June dagaal u dhexeeya labada dhinac ayaa ka dhacay Muqdisho. Hadda waanwaan ayaa socota. Qeybtan 74-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdiraxmaan Caynte - Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor iyo Guddoomiyaha Midowga Xaqsoor iyo Haybad Qaran - waxay si qoto dheer u gorfeynayaan xaaladda dalka, asalka khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, wadahadallada socda, iyo fursadaha lagu gaari karo xal waara. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Audio and video play straight from the show's own hosting. PodSubs stores and serves no media.

Hosts and Guests

Nobody is credited on this episode yet.

Credit the people on this episode

Be the first to rate this episode

More episodes

All episodes
  1. Xiriirka Muwaadiniinta iyo Dowladaha Hoose

    Oct 28, 202634 minAudio

    Nidaamka federaalka Soomaaliya weli si buuxda uma keenin daadejin awoodeed, ka qayb-gal muwaaddin oo macno leh iyo isla xisaabtan heerarka kala duwan ee dowladda. Dawladaha hoose ayaa ah heerka dowladda ee ugu dhow...

    Credit the people on this episode

  2. Dowlad-dhiska, Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya: Caqabadaha iyo Fursadaha

    Oct 15, 202650 minAudio

    Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo wejiyo kala duwan leh. Kaddib dadaallo badan oo dib-u-heshiisiin ah, waxaa Jamhuuriyadda Saddexaad lagu dhisay shirkii nabadda...

    Credit the people on this episode

  3. Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland

    Oct 1, 202653 minAudio

    Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si miir-qab iyo masuuliyad leh loo maareeyo. Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee...

    Credit the people on this episode

  4. Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh

    Sep 20, 20261 hr 11 minAudio

    Waxaa socda dadaallo looga heshiinayo nooca doorasho ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee xiga. Waxaa jira saluug ah in doorashooyinkii dadbanaa ee hore aanay soo saarin xildhibaanno leh tayadii laga filayay....

    Credit the people on this episode

  5. Gorfeyn: Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2026

    Sep 14, 202634 minAudio

    Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026, oo uu Baarlamaanka Federaalka ansixiyay dhammaadkii 2025, ayaa gaareysa $1.39 bilyan. Inkastoo hiigsigu weli yahay “ku tiirsanaanta awooddeena dakhli”, 65%...

    Credit the people on this episode