Skip to content
PodSubs
ShowsPeopleGuestsJobsNewsEvents
More
BlogPodCred
Menu
ShowsPeopleGuestsJobsNewsEventsBlogPodCredNetworksSign in
Join nowSign in
  • Shows
  • People
  • Jobs
  • News
  • More
    • Guests
    • Events
    • Blog
    • PodCred
    • Networks
    Join nowSign in

Maamul Wanaag

Maamul Wanaag artwork

Xiriirka Muwaadiniinta iyo Dowladaha Hoose

Oct 28, 202634 minAudio
ShareXLinkedInFacebookWhatsAppEmail

Nidaamka federaalka Soomaaliya weli si buuxda uma keenin daadejin awoodeed, ka qayb-gal muwaaddin oo macno leh iyo isla xisaabtan heerarka kala duwan ee dowladda. Dawladaha hoose ayaa ah heerka dowladda ee ugu dhow muwaadiniinta, isla markaana ugu habboon inay wax ka qabtaan baahiyaha iyo adeegyada maxalliga ah. Sidaas darteed, xoojinta dawladaha hoose waxay muhiim u tahay in maamulka iyo adeegyada loo soo dhaweeyo bulshada. Qeybta 83-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge iyo Farhan Isak Yusuf, Agaasime Ku-xigeenka Somali Public Agenda (SPA) ahna qoraaga warbixin ay dhawaan SPA daabacday, ayaa isla gorfeynaya xiriirka u dhexeeya muwaadiniinta iyo dowladaha hoose, casharrada laga bartay kulamadii muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dowladaha hoose ee lagu qabtay afar degmo, caqabadaha hortaagan daadejinta awoodaha iyo adeegyada, dakhliga dowladaha hoose, iyo ka qayb-galka muwaadiniinta ee go’aannada iyo miisaaniyadda dowladaha hoose. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Audio and video play straight from the show's own hosting. PodSubs stores and serves no media.

Hosts and Guests

Nobody is credited on this episode yet.

Credit the people on this episode

Be the first to rate this episode

More episodes

All episodes
  1. Dowlad-dhiska, Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya: Caqabadaha iyo Fursadaha

    Oct 15, 202650 minAudio

    Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo wejiyo kala duwan leh. Kaddib dadaallo badan oo dib-u-heshiisiin ah, waxaa Jamhuuriyadda Saddexaad lagu dhisay shirkii nabadda...

    Credit the people on this episode

  2. Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland

    Oct 1, 202653 minAudio

    Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si miir-qab iyo masuuliyad leh loo maareeyo. Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee...

    Credit the people on this episode

  3. Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh

    Sep 20, 20261 hr 11 minAudio

    Waxaa socda dadaallo looga heshiinayo nooca doorasho ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee xiga. Waxaa jira saluug ah in doorashooyinkii dadbanaa ee hore aanay soo saarin xildhibaanno leh tayadii laga filayay....

    Credit the people on this episode

  4. Gorfeyn: Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2026

    Sep 14, 202634 minAudio

    Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026, oo uu Baarlamaanka Federaalka ansixiyay dhammaadkii 2025, ayaa gaareysa $1.39 bilyan. Inkastoo hiigsigu weli yahay “ku tiirsanaanta awooddeena dakhli”, 65%...

    Credit the people on this episode

  5. Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka

    Aug 5, 20261 hr 7 minAudio

    Bishii Luulyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka dhacay dhowr wareeg oo wada-hadallo heer farsamo ah oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka. Beesha caalamka ayaa ku lahayd door dhexdhexaadin. Dowladda...

    Credit the people on this episode