
Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka
Bishii Luulyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka dhacay dhowr wareeg oo wada-hadallo heer farsamo ah oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka. Beesha caalamka ayaa ku lahayd door dhexdhexaadin. Dowladda Federaalka iyo saddex garab oo mucaarad ah - GolahaMustaqbalka, Golaha Midnimada, iyo Nabad & Nolol - ayaa soo bandhigay noocyada doorasho ee ay u arkaan inay ku habboon yihiin doorashada baarlamaanka federaalka ee xiga ee Soomaaliya. Qeybta 78-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Raysal Wasaare CumarCabdirashiid Cali Sharmaarke - oo laba jeer soo noqday Raysal Wasaare, musharrax Madaxweyne ahaa sanadkii 2017, haddana ah hoggaamiyaha Golaha Midnimada - ayaa ku gorfeynaya arrimaha doorashooyinka, aragtida mucaaradka, nooca doorashada ee Golaha Midnimada, kaalinta dhexdhexaadin ee beesha caalamka, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Audio and video play straight from the show's own hosting. PodSubs stores and serves no media.

